Dowladda Itoobiya ayaa balan qaaday inay deeq waxbarasho siineyso ardayda Soomaaliyeed, deeqdan waxbarasho ayaa isagu jirta ilaa mida u sareysa ee heerka waxbarashada Jamaacadada.
Arintan ayaa timid kadib markii ay ku kulmeen magaalada adis Ababa labada Mas’uul ee Dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya.
Deeqdan Waxbarasho ayaa kamid ahayd waxyaabahii laysku soo hadal qaaday iyo Arimo kale oo la xariira Xoojinta xariirka labada Dowladood iyo iskaashiga Amniga ee dhanka la dagaalanka Ururada Xag jirka ah.
Ra’isalwasaaaraha Itoobiya Hailamariam Desalegn ayaa u sheegay warbaahinta in Dowladda Soomaaliya ay siinayaan deeq waxbarasho Jaamacadeed oo heer walba leh taasoo cadadkeeda lagu sheegay 500 oo arday inay siinayaan.
Wasiirka arimaha dibeda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa sidoo kale kamid ahaa wafdigii ku wehliye Madaxweyne Farmaajo Safarkii Itoobiya waxa uuna ka hadlay Deeqdaas Waxbarasho uguna mahad celiyay Dowladda Itoobiya.
Halkan ka dhagayso Codka wasiir Yuusuf Garaad.