Waxaa Barqanimadii maanta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug lagu qabtay doorashada Kursi ka banaanaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Doorashada oo ahayd mid xasaasi ah ayaa waxaa ku tartamayay illaa laba Musharrax oo kala ahaa Cabdulahi Faarax wehliye iyo Maxamed Cilmi Afrax Mideeye.
Musharrax C/laahi Faarax Wehliye ayaana ku guuleystay doorashadaasi oo helay 28 Cod, halka Musharrax Mideeye uu helay 17 Cod, waxaana xumaaday illaa 3 Cod, sida uu ku dhawaaqay guddiga doorashadaasi.
Kursigan ayaa waxaa horay ugu geeriyooday Marxuum Bootaan Ciisi Caalim oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.