Taliyaha Qaybta 21-aad Col. Maxamed Dhagawayne iyo Taliyaha Guutada 1-aad Gashaanle Sare Saahid Jaamac Jareere ayaa galabta ka qeyb galay soo bandhigista jabka xooggan ee loo geystay Khawaarijta lagu jabiyay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Saraakiisha ayaa warbaahinta u soo bandhigay maxaabiis nolosha lagu qabtay, hubkii laga furtay goobta dagaalka iyo maydadka Khawaarijta ee la laayay. Sidoo kale, isla goobta waxaa lagu abaalmariyay askarigii geesinimada leh ee ka hortagay gaarigii qaraxa waday.
Taliyaasha ayaa ammaan iyo bogaadin u jeediyay ciidanka ku sugan Ceeldheer, iyagoo ku dhiirrigeliyay dadaalkooda iyo geesinimada ay u muujiyeen difaaca shacabka iyo dalka.