Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku soo dhigay Horjooge ka tirsan kooxda xagjirka ah ee Alshabaab.

Ciidanka xooga dalka soomaliyeed ayaa caawa howgal ay ka sameyen magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku soo qabteen Horjooge ka tirsan kooxda xagjirka ah ee Alshabaab.

Hawlgankan oo ay fuliyeen ururka 14 aad, guutada 14 October ee fadhigoda yahay magaalada Marka ee Casimada gobalka Shabeellaha Hoose ayaa lagu soo qabtay Madaxa Miinooyinka ee ururka Argagixisada u qaabilsanaa Marka oo lagu magacaabo Aweys Mayoow Axmed, kaa magaciisa afgarashada uu ahaa Aweys Eelaay.

Dhaqarqabe Aweys Eelay ayaa markii la soo qabanayey ku hoowlanaa sidii uu u aasi lahaa miino nooca dhulka ah.

Jabril Yahye Isse, 
Goobsan Media Inc