Ciidanka Uganda ee qaybta ka ah AMISOM oo loogu deeqay Diyaarado iyo Qalab Militari

Waaxda Gaashaandhigga ee dalka Maraykanka “THE PENTAGON” ayaa ku dhawaaqday inay Ciiddanka Uganda ka jooga Somalia ku taageeri doonaa 5 Diyaaradaha Helikopterada ee noocoodu yahay Bell Huey 2 Helicopters.

Waaxda Difaaca Maraykanka waxay kaloo sheegtay in Diyaaradahaasi oo Cusub shalay loo soo daabulay si loo soo gaarsiiyo Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Sidoo kale, Maraykanka waxay Ciiddanka Uganda ee jooga Somalia ugu deeqeen Qalab kale oo ay ku jiraan Gaadiidka Gaashaman ee adkeysiga u leh  waxyaabaha qarxa, gaar ahaan Miinooyinka lagu aaso waddooyinka.

Xogta u gaarka ah  diyaardahan

Diyaaradan ayaa waxa ay awood u leedahay in ay qaado 15 qof sidoo kale waxa ay awood u leedahay in ay Xambaarto Culeys dhan 2210.3 KG waxaana loo adeegsan karaa howlo badan sida daabulida Ciidamada, Badbaadada, iyo in lagu daad gureeyo dhaawacyada.

Nuuca diyaaradahan oo kale waxaa sanad kahor soo iibsaday dowladda Kenya ayadoo qarash gaaraya 52.2Milya oo dollar ay ku iibsatay 5 diyaaradood oo nuucaan ah ayadoo sidoo kale loo raacinayo tababarada iyo Macluumaad kale oo dheeri ah.