War ka soo baxay hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa waxaa lagu shaaciyay hawlgal laga sameeyey Muqdisho in lagu qabtay xubin sare oo ka tirsan ururka Al Shabaab.
Hawlgal xalay laga sameeyey agagaarka Ex-control ayay Hay’addu ku sheegtay in lagu qabtay xubin ka tirsan Al Shabaab oo ah khabiir dhinaca qaraxyada u qaabilsanaa.
“Hawgal saacado qaatay oo si taxadar leh loo qorsheeyay, kana dhacay agagaarka Ex-control magaalada Muqdisho, ayaa lagu soo qabtay xubin Al Shabaab ka tirsan oo ahaa khabiir dhanka qaraxyada, habeennimada 27-ka September, hawlgalka cidi wax kuma noqon, nagu garab istaag ka hortaga cadowga”. ayaa lagu yiri qoraal NISA ay ku soo qortay barteeda Twitter-ka.
Ninkaan la soo qabtay lama soo bandhigin sidoo kalena lama hayo magaciisa, balse taliska NISA ayaa shaaciyay in la qabtay, hadana uu ku jiro gacanta dowladda.
Muddooyinkaan dambe nabad suggida Soomaaliya ayaa sheegtay inay qabteen rag Shabaab ah, balse ma bixiyaan macluumaad intaasi ka badan.