Ciidanka Huwanta oo la wareegay Janaale iyo Sarkaal ka tirsan Shabaab oo lagu qabtay dagaalki maanta

Ciidamada Militariga Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa lasoo sheegayaa in ay la wareegeen degaano hor leh kadib weerarkii ay saakay ku qaadenn deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamada huwanta ayaa goor dhow dib ula wareegay deegaanka Janaale, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa la sheegay in ay ka qayb qaateen Ciidamo Mareykan ah kuwaas oo hagayay  Diyaaradaha aan cidi wadin ee loo yaqano Drone-k, balse warkan ayaan si toos ah loo shaacin.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka la isku adeegsaday madaafiic, taasoo lagu soo waramayo inay geysteen khasaare kala duwan.

Ciidamada huwanta ayaa labo jiho ka weeraray deegaanka Janaale, oo horay Al-Shabaab u jareen buundadii geli jirtay deegaanka.

Maxamed Ciise oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in ay ciidamadu gudaha u galeen deegaanka Janaale halkaas oo ay ka sii daayeen Maxaabiis u xirnaa Al-Shabaab islamarkaana ay sidoo kale Gacanta ku dhigeen Madaxii Zakawaadka Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee hada naga soo gaaraya Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dagaal culus uu hada ka socdo agagaarka deegaanka Toora Toorow oo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegaya inay qorsheynayaan in dhamaan deegaanada ay ku xooggan yihiin Al-Shabaab ka saaraan.

Ciidamada huwanta ayaa saaka la wareegay deegaanada Mubarak, Bariire, Farsooley, tuulooyin kale oo hoostaga degmada Afgooye.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee soo kala gaaray dhinacyada dagaalamaya, waxaana la sheegayaa in guutooyin ka tirsan ciidanka xoogga dalka ay ku qul qulayaan goobaha ay dagaalada ka socdaan.