Ciidanka Dowlada oo Marko kusoo bandhigay Xubno ka tirsan Maleyshiyaad Al-shabaab( SAWIRRO)

Ciidamada dowlada soomaaliya ayaa howlgalo ka dhan ah dagaalamaaysha Al-shabaab ka sameeyay gudaha degmada Marko ee Gobolka Shabellaha hoose.

Howlgalka ayaa waxaa lagu soo qabtay in ka badan 32 maleyshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab

Maleyshiyaadka howlgalka lagu soo qabtay ayaa la sheegay in qaarkooda lagu soo qabtay iyagoo tuurayo  Bam gacmeed,Amniyaad dilal qorsheysan ka fuliyay Magaalooyinka Marko iyo Muqdisho,

goobta lagu soo bandhigayay xubnahan  ka tirsan Al-shabaab ayaa waxaa ku sugnaa Abaandullaha ciidanka xoogga Dalka oo ay wehliyaan xubno ka socday xafiiska xeer ilaalinta maxkamada ciidamada qalabka sida iyo saraakiil ciidan

Abaandullaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya General Odowaa Yuusuf raage oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in raga lagu soo bandhigay magaalada Marko lagu soo qabtay howlgalo ay ciidamada xoogga dalka ka fuliyeen magaalada Marko.

General Odowaa yuusuf raage ayaa sidoo kale sheegay in Ragan la soo qabtay ay ka tirsan yihiin Al-shabaab isla markaana ay Qirteen ka mid noqoshada nabadiidka Al-shabaab.