Ciidan laga amray Villa Soomaaliya oo la wareegay Madaxtooyada Galmudug ee Cadaado

Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee ku taala magaalada Cadaado ayaa waxaa caawa la wareegay ciidanka Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka NISA, ciidanka NISA ayaa waxaa howlgalkan ku wehliyey ciidanka Kumaandoosta Danab qeybta 21aad.

Howlgalkan ayaa waxaa hogaaminayeya Taliya NISA Qeybta Galmudug Cabdi Dheere. Ciidamo deegaanka ah ayaa muddo sanad ku dhow gacanta ku hayey Madaxtooyada Cadaado, kadib khilaaf soo kala dhexgalay Madaxda Galmudug.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bixisay amarka ciidankeedu kula wareegeen Madaxtooyada Cadaado, arintaan ayaa dowladdu ugu gogol xaaraysaa diyaargarowga doorashada Galmuudug.

Madaxtooyada Galmudug

Maamulka degmada Cadaado ee oo ka hadlay ciidamo la wareegay madaxtooyada Cadaado

Posted by Goobjoog on Axad, Maarso 03, 2019