Waxaa xalay ciidan Ajanabi ah oo aan la aqoon wadanka ay u dhasheen ay howl gal ka fuliyeen deegaan hoostaga Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.
Ciidankan oo la socday diyaaradaha nooca qumaatiga u kaca, ayaa la sheegay in ay ku daateen deegaanka Weel Maarow, oo saldhigyo ay ku leeyihiin maleeshiyada Ururka Al Shabaab.
Sarkaal Militariga Somaliya ka tirsan oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa yiri “Diyaarado ayaa saqdii dhexe ee xalay ciidan ku daadiyay Deegaanka Weel Maarow ee Gobolka Jubbada Dhexe, Deegaanka Weel Maarow ayaa 60km dhinaca galbeed kaga beegan Degmada Jilib.”
“Waa dhul hawd ah oo xarumo ay ku leeyihiin Ururka Al Shabaab, Waa dhul la sheego in ay ku dhuumaaleystan Madaxda sar sare ee Al Shabaab.
Weel Maarow meel 15km u jirto ayaa la sheegaa in uu ku xanuunsan yahay Amiirka Al Shabaab, Axmed Cumar Abuu Cubeyda.”
Sidoo kale waxaa jiray iska hor imaad dhexmaray ciidanka ajnabiga ah iyo ururka Al-shabaab ayadoona la sheegay in ay duqeymo ka dhaceen goobtaas.
Majirto wax intaas ka badan oo faahfaahin dheeri ah oo laga helaayo degaanka Weel Maarow ayadoona isgaarsiinta hawada laga saaray wax yar uun kadib markii uu weerarku bilawday.
Ilaa iyo hadda majirto wadan sheegtay in uu howlgalkaas fuliyay balse howlgalada ugu badan ee nuucaan ah waxaa horay u fulin jiray ciidamada Mareekanka.
Ururka Al Shabaab, ayaan dhankoodu weli ka hadlin waxa ka dhacay Weel Maarow. Shabaabka ayaan markiiba faah faahin ka bixin kolka uu hujuum kaga yimaado Mareykanka.