Ciidamo Puntland ah oo sheegay in weerar gaadmo ah Shabaab uga soo qaadeen dhanka Galmudug

Rag hubeysan ayaa saakay aroortii waxa ay weerar gaadmo ahaa ay ku qaadeen ciidanka Maamulka Puntland ee ku sugan deegaanka Godad oo qiyaastii 15-Km dhanka bariga kaga beegan magaalada Galkacyo ee Gobolka mudug.

Weerarka ayay labada dhinac isku adeegsadeen qoryaha fud-fudud,waxaa la xaqiijiyay in ragii hubeysnaa laga dilay hal nin.

Puntland waxa ay sheegtay in raggaas ay ahaayeen Al-shaabab islamarkaana ay huwanaayeen astaanta lagu yaqaano dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab, ayna ka yimadeen dhanka Magaaladda Gaalkacyo Galmudug.

Dhanka kale, waxaa isbitalka magaalada Galkacyo la gaarsiiyey dhowr kamid ah ciidanka Maamulka Puntland oo qaba dhaawacyo fudud oo soo gaarey.