Saraakiil Sar Sare oo ka tirsan ciidamada Maryakanka ayaa idaacada Voa da usheegay in Ciidamo Maraykanka la geeyay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya si ay tababar u siiyaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
2 dii bishaan ayaa koox ka socota ciidamo Maraykan ah ka dageen magaalada muqdisho si ay u garab istaagaan ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM kuwaasoo dagaalo ba’an kula jira Kooxaha Al-shabaab iyo Daacish,
Ciidamada Mareykanka ee Muqdishu hadda jooga, ayaa noqonaya ciidamadii ugu horeeyay ee Militeriga dowladda Mareykanka ka tirsan ee Soomaaliya soo gaaray, marka laga soo tago tiro yar oo ah lataliyayaal dhinaca la dagaalanka argagixisada oo haray Soomaaliya usoo gaaray.
©Goobsan Media