Ciidamo la wareegay Amaanka Hoolka Doorashada maamulka Hirshabeelle

Ciidamada AMISOM ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay ammaanka Hoolka Doorashada Maamulka Hirshabelle ee Magaalada Jowhar sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Guddiga Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle.

Xubno ka tirsan Guddiga Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle, ayaa sheegay maanta oo talaado ah in si rasmi ah ammaanka hoolka loogu wareejiyay ciidamada AMISOM.

Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle, ayaa waxa ay dhaceysaa 12-ka Bishan, waxaana ka dhiman oo kaliya muddo todobaad ah, iyadoo xubnaha Musharaxiinta ay gaarayaan Magaalada Jowhar.

Sababta ciidamada AMISOM loogu wareejiyay ammaanka Hoolka Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle, ayaa waxa ay tahay, iyadoo laga cabsi qabo inuu dhaco falal la xiriira dhanka ammaanka.

Ciidamada Amisom ee la wareegay ammaanka Hoolka Doorashada Magaalada Jowhar, ayaa isla maanta waxa ay bilaabeen baaritaanka hoolkaasi, waxaana masuuliyadda ay saarnaan doontaa illaa ay ka soo dhamaaneyso Doorashada Madaxweynaha.

Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa wuxuu si adag uga biyo diiday xil ka qaadistii Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle ay ku sameeyeen, isaga oo Saldhig ka dhigtay Magaalada Baledweyne.