Ciidamo ka tirsan Galmudug oo ku dhintay Biyaha badda Hobyo

Wararka naga soo gaaraya Gobalka Mudug ayaa ku warayama in ciidamo katirsanaa kuwa Maamulka Galmudug ay maanta dhinteen kadib markii dabaal  ay u aadeen xeebaha Gobalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in lasoo bad baadiyay ciidamo dhowr ah oo badda ay qaaday, halka kuwa kalana badda ay soo tuftay iyaga oo meyd ah.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale inoo sheegay in ciidamadaasi ay dabaal u aadeen xeebaha hobyo ee gobalka mudug,arintaan ayaa sabab u aheyd in labo katirsan ciidamadda ay qaado badda.

Wararkii ugu dambeeyay ee ku aadan askartaasi dhimashada iyo Waxyeelada ku noqday badda oo kacsan awgeyd ayaa la sheegayaa, ciidamadaas in lagula tacaalayo gudaha degmadaasi hobyo.