Ciidamo ka tirsan Dowladda oo Qarax lagula eegtay duleedka Muqdisho

Wararka ka I maanaya deegaanka Weydow ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in daqiiqado ka hor uu halkaasi ka dhacay qarax iyada oo warar kala duwani ay ka soo xayaan qaraxaan.

Goob joogayaal ayaa Goobsan u xaqiijiyay in qaraxu uu ahaa nooca dhulka lagu aaso isla markaana lala beegsaday gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda Somaliya

Waxaa la sheegay in gaari qaraxa lala beegsaday in uu ahaa gaari nooca ay Somalidu u taqaan Cabdi Bilaha ee ay isticmaalaan qeybaha kala duwan ee ciidamada Dowladda Fedraalka.

Askar kar ka tisan ciidamada qaraxa lala eegtay ayaa la sheregay in ay wax yeelo ka soo gaartay,Goobjoogayaasha la hadlay Goobsan waxa ay sheegeen in ay arkayeen Askari dhaawac ah si doo kalana ay jiraan dhimasho soo gaartay ciidamadii la socday gaariga Cabdi Bilaha ah.