Ciidamo ka tirsan AMISOM oo qaraax lagula eegtay magaalada Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Wadada Warshaddaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax inta badan laga maqlay Xaafadaha Magaalada Muqdisho.

Sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka Qarax ayaa lala eegtay gaari ay wateen Ciidamada AMISOM oo maraayay meel aan sidaas uga Wasaaradda Gaashaandhiga.

Wararka  ayaa waxa ay sheegayaan in Qaraxa uu ahaa Miinada dhulka lagu Aaso taasoo laga hagayay Remote, waxaana la sheegay inuu ku dhintay hal Askari oo Soomaali ah kaas oo ka agdhawaa meesha uu qaraxa ka dhacay.