Askar katirsan ciidama Amisom ayaa isaga baxay gudaha soomaaliya kadib markii ay dhameysteen waqtiga loogu tala galay howlgalkii Soomaaliya ay ka wadeen.
Salvator Harushimana Ku xigeenka Madaxa Saadka ee Ciidamada AMISOM ayaa sheegay ciidamada baxay iney kamid ahayeen ciidamo AMISOM katirsan oo u xilsaarnaa sugida amniga magaalada muqdisho, iyo wada marsiinta saadadka ciidamada AMISOM, isaga kala gudbiyaan gobalada Soomaaliya.
Ciidamada baxay ayaa waxey katirsanayeen Guutada 21aad ee Ciidamada Uganda oo kamid ahaa howlgalka la dagaalanka kooxaha ka dagaalama gudaha Soomaaliya.
Safiir ku xigeenka Uganda u fadhiya Soomaaliya Nathan Mugisha ayaa bogaadiyay ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka baxay intii ay joogeen iney ka hortageen qaraxyo iyo weeraro culus oo kaga imaanayay dhanka xoogaga Xarakada Al-shabaab ee kasoo horjeeda ciidamada AMISOM iyo dowladda Soomaaliya.
Nathan Mugisha oo sii hadlayay ayaa sheegay inuu sii socon doono howlgalka ay ka wadaan gudaha Soomaaliya inta ay ka arkayaan Soomaaliya oo cagaheeda isku taagta.
Taliyaha Guutada ka baxday Soomaaliya Chris Ogwal oo isna hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in howlgalkii soomaaliya ay ka wadeen uu u soo gaba gaboobay hadana dib dalkooda hooyo ay ugu noqonayaan, inkastoo wali uusa dhamaan howlgalka saxibadiis kale ay ka wadaan Soomaaliya.
Ciidamada Amisom ee jooga Soomaaliya ayaa inta badan hadafka Soomaaliya ay u joogaan waxuu yahay la dagaalanka Urur weynaha Alqaaciidda qeybtiisa Soomaaliya ka howlgasha ee Xarakada Al-shabaaab.