Ciidamada Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa markii ugu horeysay la geeyay magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgauud iyagoo fariisimo ka sameystey bartamaha magaalada iyo hareeraheeda.
Magaalada Dhuusomareeb ayaa waxaa hore u joogay ciidamo ka tirsan Ethiopia oo aan ka diiwaan gashaneen Howlgalka AMISOM iyagoo bilaabay inay ka baxaan magaalada Dhuusomareeb.
Saraakiisha Ammaanka maamulka Ahlusunna ayaa sidoo kale saxaafada u xaqiijisay in Ciidankii Ethiopia magaalada laga saaray laguna badalay Ciidan kale oo ka socda Dalka Ethiopia laakiin ka amar qaata Howlka AMISOM ee Soomaaliya.
Ciidamadii Ethiopia ee ka baxay dhuusamareeb ayaa mudo dheer halkaasi ku sugnaa, Â waxaana ay ahaayeen Ciidan ka amar qaata Maamulka Ahlsunna ee Gobalada dhexe.
Xubno ka tirsan Maamulada Galmudug iyo Ahlsunna oo magacyadooda ka gaabsaday ayaa sheegaya in arintaan ay salka ku heyso wadahalo dhaxmara Maamulada looga kala Arimiyo Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee Galmudug iyo Ahlsunna.
Galmudug ayaa adeegsaneyso Xeelado Siyaasadeed oo ay ku raadineyso mideynta labada Maamul inkastoo aysan aheyn Wax-fudud iyo Waqti dhaw in Maamulka dadkiisa ku kaceyn ee Ahlsunna laga dhaa-dhiciyo ku biiritaanka Galmudug.