Ciidamo Itoobiyaan ah oo kusoo wajahan degaanka Leego

Ururka Al-shabaab ayaa Jimcihii ina dhaaftay waxa ay la wareegeen gacan ku heynta degaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii ay ka baxeen Ciidamo ka tirsan Midowga Afrika ee AMISOM oo degaankaasi ku sugnaaa.

Magaalada Baydhabo hada waxaa soo gaaray Ciidamo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo qorsheynaya Shabaab in ay ka saaraan degaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Degaankan ay la wareegeen Shabaab ayaa ah meel istiraatiiji ah marka la eego isku xirka magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, waxaana hada go’ay xiriirka ka dhaxeeya labadaasi magaalo marka loo eego Gaadiidka Ciidanka ee wadadaasi ku socdaali jiray, inkastoo Gaadiidka dadka rayidka ah ay si caadi ah u isticmaalaan.

Ciidamada Itoobiyaanka ah ee soo gaaray magaalada Baydhabo, watana Gaadiid aad u fara badan ayaa doonaya in ay duulaan qorsheysan ku qaadaan degaanka Leego oo ay ka saaraan Shabaab.

Ciidamada Itoobiya Sahayda ay ka helaan AMISOM waxaa loo mariyaa dhanka dhulka, waxaana laga qaadaa magaalada Muqdisho, halka iminka ay noqoneyso in Diyaarado lagu geeyo degaanada ay joogaan Ciidamada Itoobiya ee koonfurta Soomaaliya, kuwa ku howlgala magaca AMISOM.

Ciidamada Itoobiyaanka ah ee yimid magaalada Baydhabo ayaa saraakiisha horkacaya waxaa laga soo xigtay qorsdhohooda in uu yahay in ay Shabaab ka saaraan degaanka Leego, islamarkaana halkaasi fariisin cusub ay ka sameystaan.

AMISOM ilaa hadda kama aanay hadlin sababtii ka dambeysay in Ciidamadooda ay ka baxaan degaanka Leego, Shabaabna ay qabsadaan, laba sano ka hor ayay aheyd markii Shabaab laga saaray degaanka Leego.