Ciidamo isku jir ah oo dagaal kula wareegay deegaanka Fiidow

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo garab Millateri ka helaya kuwa AMISOM,sida Jabuuti iyo Burundi ayaa saakay waxa ay howlgallo qorsheysan ka bilaabeen deegaano kala qeybiya xadka Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Intii uu howlgalka socday ayaa Ciidamada lala eegtay qaraxyo miinada nooca dhulka lagu aaso ah,waxana saraakiisha ciidamada dowladda ay sheegeen inay la wareegeen deegaano ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Ciidamada deegaanada ay howlgalka ka fuliyeen lana wareegeen ayaa waxaa ka mid ah deegaanada  Dhiin Garas, Fiidow, Maquudaale, Killiga Shiinaha iyo tuulooyin kale,waxana deegaanadaas ay Magalada Jowhar u jiraan 50km.

Taliyaha xoogga dalka Soomaaliya Sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe)  ayaa maalin ka hor sheegay in uu bilaaban doono howlgall la isugu furayo wadada isku xirta Magaalooyinka Jowhar iyo Buulo Burde.

Deegaanka Fiidow oo ku yaalla Bartamaha laamiga aada Gobolka Hiiraan ee ka baxa Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa tan iyo Sanadkii 2015 Gacanta ku hayay Al-Shabaab,kadib markii ay isaga baxeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.