Munaasabad lagu dhiirigelinayay shaqada Qaranka ay u hayaan Sadaxda Ciidan ee dalku leeyahay oo kala ah Melatariga, Asluubta iyo Booliska ayaa lagu qabtay Xarunta gaadiidka Booliska ee Muqdisho.
Ku simaha R/wasaaraha ahna R/wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cisamaan, taliyayaasha ciidamada Asluubta, Melatariga iyo Booliska,Wasiirro, xildhibaanno ka tirsan labada aqal iyo saraakiil ciidan ayaa ka qeybgalay munaasabaddaasi.
Fananiinta ciidamada qalabka sida qeybahoooda kaladuban ayaa halkaasi ku soo bandhigay heeso ad u qiiro badan oo ay ku muujinayeen sida ay ciidamada uga go’aantahay difaaca dalka iyo sugidda amniga.
ku simaha R/wasaaraha ahna R/wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed “Qadar” ayaa xusay in ciidamada qalabka sida ay yihiin kuwa dartood lagu gaarayo hannanka dawladnimada. loona bahanyahay in lagu buraarujiyo sida ay uga hortagilahyeen cadawga banneeystay daadinta dhigga shacabka Soomaaliyeed.