Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Deeganada Xarakada Al-shabaab laga Saaro ee Gobolada dalka Soomaliya ay ku wareejinayaan Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa Hay’adda Nabad Sugida.
Afhayeenka Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Dhamme Cabdullahi Imaan Ceynte oo shir jaraaid ku qabtay xarunta wasaaradda Gaashaandhiga ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay wadaan Howlgalo ka Dhan ah Al-shabaab isl markaasna looga Saarayo Deeganada Al-shabaab ka Joogaan Gobolada Dalka.
“Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Amisom waxa ay wadaan Howlgalo Al-shabaab looga Saarayo Gobolada Dalka Soomaaliya dhawaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya waxa ay Gaari doonaan Meelaha Gaarka ah ay Joogaan Al-shabaab’’’
Sidoo kale Afhayeenka Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Dhamme Cabdullahi Imaan Ceynte ayaa hambalyo u direy Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa AMISOM kadib markii ay Al-shabaab ka saareen deegaanka bariire ee Gobolka Shabeelaha hoose.
Waxa uu sheegay in Goobaha Al-shabaab laga Saaro ay ku wareejinayaan Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo Nabad Sugida si Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay sii wadaan Howlgalada lagu Dabar goynayo Al-shabaab
Ciidamada Xoogga Dalka soomaaliya ayaa Gobolada Dalka soomaaliya ka wada Howlgalo ka dhan ah Al-shabaab waxayna shalay ay la wareegeen deegaan bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose,waxaana halkaas ku xooganaa Al-shabaab.