Ciidamo cusub oo la wareegay Xaruntii shalay lagu dagaalamay ee Imaaraadku ka guureen

Ciidamadda Malatariga Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Danab ayaa la wareegay Xerada Ciidanka Jeneral Gordan ee Imaaraadka ay ku tababari jireen ciidamada Soomaalida.

Sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka Tirsan dowladda Soomaaliya ciidamadda la wareegay Xarunta ee Danab ayaa laga keenay Gobolka Shabellaha hoose, gaar ahaan Garoonka Ballidoogle.

Arintaan ayaa ka dambeysay kadib markii ay shalay Xarunta ku dagaalameen ciidamo ka tirsan kuwii Imaaraadka ay tababareen iyo ciidan Militari ah, iyadoo Taliska Ciidanka Xoogga uu sheegay in la soo qabtay ciidan saanad Militari kala bixi rabay Xerada.