Ciidamo Boob u geysatay Xaruntii Tababarka Imaaraadka ee Magaalada Muqdisho

Saraakiishii tababarayaasha ahaa ee ku sugnaa Xerada tababarka Imaaradka ee Muqdisho ayaa saakay isaga baxay Magaalada Muqdisho,iyaga oo dalkooda dib ugu laabtay kadib markii uu xumaaday xiriirkii Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Warar hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamadii ay horay u tababareen Imaaraadka ay ka warheleen bixitaanka Saraakiisha Imaaraadka,isla markaana ay bilaabeen in ay boobaan Agab ay lahaayeen Saraakiisha Imaaraadka,sida Gaadiid Ciidan,Qalabkii tababarka iyo Gaadiid kale.

Dad ka agdhow Xarunta Tababarka ayaa waxa ay noo sheegeen inĀ  ay arkayeen Ciidamo wata Agabkii ay ka tageen Saraakiisha Imaaraadka ee ku sugnaa Xarunta ay ku lahaayeen Degmada Hodan.

Tallaabada ay uga baxeen Saraakiisha Imaaradka ee ku sugnaa Muqdisho ayaa ku soo aadeysa xili sidoo kale dhawan ka baxeen Xero ay ku tababarayeen Ciidamada Badda Puntland oo ku taalla Boosaaso wallow Madaxweyne Cabduweli Gaas uu Maanta beeniyey.

Dowladda Soomaaliya ayaa War-Saxaafadeed ay manta soo saartay waxa ay ku beenisay in uu xumaaday xiriirkii u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Imaaraadk,iyada oo sheegtay in uu bilaawday wadahadal u dhaxeeya labada dhinac.