Ciidamo Ajnabi iyo Kuwa Soomaali ah oo weerar ku qaaday Deegaanka Daaru-salaam

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xalay Ciidamo ka tirsan kuwa Kumaandoosta Soomaaliya iyo kuwa Mareykan ah ay weerar ku qaadeen deegaanka Daaru-Salaam oo hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Deegaanka weerarka lagu qaaday ayaa waxaa ku sugan Ururka Al-Shabaab, waxaana dad ku sugan deegankaas ay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho u sheegeen in halkaasi uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyey Ciidamada huwanta ah iyo Al-Shabaab.

Waxaa lagu soo waramayaa in dagaalka halkaasi ka dhacay uu ka dhashay khasaaro, hayeeshee aysan jirin cid weli sirasmi ah u xaqiijisay maadaama ay aheyd xilli habeen ah oo dadka badi ay wada jiifeen.

Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha Internet-ka waxa ay ku sheegeen inay iska difaaceen,isla markaana ay fashiliyeen weerarkii kaga yimid Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya ee sida gaarka ah u tababaran iyo kuwa Mareykanka, isla markaana ay hub ku qabsadeen.

Sidoo kale intii uu dagaalka socday ayaa waxaa jiray duqyen dhinaca cirka ah oo ay geysteen Diyaaradaha dagaalka Mareykanka, waxana Shabaab ay sheegeen in duqeyntaas ay ku dhaawacmeen laba ruux oo Shacab ah.

Majiraan dhankooda weli wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya iyo taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika ee(Africom) oo inta badan weeraro ka fuliya deegaanada ay Ururka Al-Shabaab kaga sugan yihiin Gobolada dalka.