AFRICOM oo duqayn ka fuliyay duleedka Kismaayo

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibbada AFRICOM ayaa howlgal cirka ah ka fuliyay deegaan hoos yimaada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, dowlad-goboleedka Jubbaland.

Howlgalka ayaa lala beegsaday fariisimo ay Khawaarijtu ku lahayd deegaan 40 km waqooyi-bari ka xigta magaalada Kismaayo.

Weli lama hayo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan duqaynta, maadaama ay weli socoto qiimeyn lagu sameynayo khasaarihii lagu gaarsiiyay cadowga.