Ciidamadii NISA Ee Baneeyey Koontoroolada Muqdisho Oo Mushaarkooda Lasiiyey (SAWIRRO)

Shalay ayaa waxaa mar qura baneeyay isgoysyada ay muqdisho ka joogeen ciidamada ka tirsan NISA gaar ahaan kuwa xasilinta Caasimadda loogu magacdaray.

In kastoo koontorooladii ay baneeyeen ay la wareegeen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa hadana waxaa soo baxayay warar sheegayay in ay ka dambeysay baneyntaas iyaga oo ka cabanayay mushaar la’aan.

Maanta ayaa lagu guuleystay in badi ciidamada mushaarkooda lasiiyo,waxana xarumihii lagu bixinayay mushaarka goobjoog ka ahaa masuuliyiin uu ka mid aha Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale.

“Waxaan maanta kormeer ku tagey Xarumaha ay ka socdaan Bixinta Mushaaraadka Ciidanka NISA, iyadoo lagu tallaabsaday horumar ah in qaab casri ah “biometric system” loo bixiyo mushaarka ciidamada ayuu yiri Wasiirka”

Ciidamada NISA gaar aahan kuwa loogu talo galay xasilinta Caasimadda ayaa Muqdisho waxa ay ka joogeen dhowr Isgoys,iyaga oo baarayey gaadiidka istcimaalaya wadooyinka,waxaana Jimcihii ay ka hor tageen laba qarax oo ku qarxay Koontoroolka laga galo Garoonka Aadan-Cadde eek u dhow Isgoyska km4 iyo Koontorool ku yaalla Isgoyska Banaadir.