Ciidamadda Puntland oo Sameeyay Howlgal Ka dhan ah Al-shabaab (SAWIRRO)

Wararka ka imaanaya Puntland ayaa ku waramaya in Ciidanka Badda Maamulkaas unugooda la dagaalanka argigixisada ay sameeyeen howlgal ka dhan ah Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Deeganadda howlgalka laga sameeyay waxaa kamid ah Bali-khadar, Sugurre, Qahabta iyo deegaanada ku dhow dhow.

Ujeedka howlgalkaan ayaa lagu sheegay xoojinta amniga gobolka Bari Maamulka Puntland, kadib markii Maleeshiyaadka Al-shabaab bilihii ugu dambeeyay ay gobolka ka fuliyeen qaraxyo iyo dilal qorshaysan.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka Badda Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in ciidanka Badda la geliyey heegan buuxa kahor howgalka.