Ciidamada xoogga dalka oo dagaal kula wareegay degaanka Bariire.

Ciidamada xoogga dalka ayaa saaka dagaal kula wareegay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay tabisay Wakaaladda wararka ee SONNA.

Sida wararku sheegayaan dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada xoogga dalka iyo Al-Shabaab ayaa waabarigii hore ee saaka ka dhacay deegaankaas, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Deegaanka Bariire ayaa u jira degmada Afgooye illaa 30KM, waxaa deegaankan oo ah dhul beereed ay horay isaga soo baxeen Ciidamada dowladda.

Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ayaa dhowr jeer isku bedelay gacan ku heynta deegaanka, waxaa horay labada dhinac ku dhex maray dagaalo culus.

Bishii Agosto ee sanadkii 2017 ayaa waxaa deegaankan ka dhacay weerar ay wadajir uga fuliyeen Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo Ciidamo Mareykan ah, waxaana weerarkaas ku dhintay dad rayid ah oo beeraley ahaa.