Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada xasilinta ay howlgal xoog leh Xalay ka Sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Howlgalka oo ay ka qeyb qaadanayaan ciidamo fara badan ayaa ka socda xaafadaha Juungal, xaafadda Towfiiq, Silliga, Ceymiska iyo Fagax, waxaana la sheegay in ciidamada ay galayaan guryaha iyagoo si adag u baaraya.
Dadka degaanka ayaa sheegay in ciidamada ay fiidnimo hore ee xalay ay xireen xaafadaha isla markaana ay ururinayaan dhalinyarada, iyadoo guri guri u gelaya xaafadaha howlgalku ka socdo.