Ciidamada xasilinta oo maanta baaritaano xoogan ka wada Xaafado ka tirsan Muqdisho

Ciidamada Xasilinta Amniga aya haatan waxa ay holgallo kala duwan waxa ay ka  wadaan Xaafado ka tirsan degmada Yaqshiid ee gobolkaan Banaadir.

Howlgalka oo aan weli la xaqiijin sababta ka dambeysa ayaa waxa uu hatan ka socdaa Xaafada fagax ee deqmada Yaaqshiid,waxana Ciidamadu ay baarayaan dadka iyo Gaadiidka iyada oo mararka qaar Guryaha baaraya.

Dadka ku nool Xaafada Fagax oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in howlgalka ay Ciidamadu ay ku qabteen tiro dad ah kuwaas oo haatan ay baaritaano dheeraad ah ay ku hayaan.

Isu socodka dadka iyo Gaadiidka ee Xaafada Fagax ayaa haatan ah mid caadi ah wallow weli ciidamadu ay howlgalka halkaasi ka wadaan.