Ciidamada Xasilinta oo la sheegay in aysan wax Sharci ah ku dhisneen kana hor imaanayaan Qodob Dastuuri ah

Wasiirkii hore ee amniga C/risaaq Cumar Maxamed haddana ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa xilligan dhaliilay habka ay sharci ahaan ay ku dhisan yihin ciidamada xasilinta ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho.

C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay in la isku raacsan yahay in baahi loo qaabo ciidan xasilin, balse habka ay ku shaqeeyaan ciidankaan ayuu sheegay inay ka soo horjeedo qodobka 126-aad ee Dastuurka Soomaaliya.

Xildhibaan C/risaaq ayaa tilmaamay ka hor dhismaha ciidamada xasilinta inay muhiim tahay in laga fekero sharciga ay ku dhisan yihiin, si loo helo ciidan nidaamsan oo si sharci leh ku shaqeeya.

 “Ciidamada loo yaqaan xasilinta sharci kuma shaqeeyaan, ciidan xasilin waa loo baahan yahay, balse wax kasta waxaa kala hagaayo sharciga, haddii Garsoorka iyo sharciga uu xumaado wax hagaagaya malahan, Ciidankaan xasilinta sharciyad malahan, waxayna ka soo horjeedaa qodobka 126-aad ee Dastuurka jiritaanka ciidankaan xasilinta, waana waydiinay sharci ma haystaan KMG waaye ayuu dhahay illaa goormee ayeey KMG yihiin.” Ayuu yiri Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya.

Ciidamada loo yaqaan Xasilinta oo ka kooban Booliska, Nabad Suggida, Militariga iyo Asluubta ayaa waxa ay ka shaqeeyaan suggida amniga Magaalada Muqdisho.