Ciidamada xasilinta Amniga Muqdisho oo xalay gacanta ku dhigay Rag hubeysan oo ku labisan Dareeska Ciidanka

Ciidamada xasilinta amniga Muqdisho oo xalay ku guda jira howlahooda shaqo ayaa baaritaano ay ka sameynayeen Dagmada Dharkinley waxa ay kusoo qabteen rag hubeysan oo ku labisan dareeska ciidamada Soomaaliya iyo dad kale oo ay ku sheegeen in ay amniga lidi ku ahaayeen.

Ciidamada ayaa xalay waxa ay kaliya howlgalka ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Dharkinley ee Gobolkaan Banaadir,iyadoo la arkayay in Ciidamadu ay Guri guri u baarayeen Xaafadaha islamarkaana cidii ay wax ku wayaan ay sii deynayeen.

Ragii ku labisnaa dareeska Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa loo soo kaxeeyay dhanka Xarunta Xisbiga oo ku dhaw Garoonka Kubbada Cagta ee Stadium Muqdisho oo Xarun u ah ciidamada si loo ogaado in hubkooda uu yahay mid sharciyeysan.

Ciidamada Xasilinta Amniga Muqdisho ayaa u muuqda kuwa Amniga dalka soo celin kara waa haddi ay howlgalkaan sida uu yahay lagu wado.