Howl gal ay saakay ka sameeyeen egmada Waaberi ciidamada xasilinta amniga muqdisho ayay kusoo qabteen hub iyo ragii watay.
Ciidamada ayaa howlgal ay ka wadeen degmada Waaberi waxa ay Guri kamid ah guryaha ku yaalla degmadaas ka soo qabteen 2 Nin iyo qoryo ay wateen oo ah nooca AK47,kuwaas oo hada xabsiga loo taxaabay.
Ciidamad ayaa weli howlgalka wada,waxana jirta in Wadooyinka muqdisho dhamaan lagu arkayo ciidamada islamarkaana aysn ogoleyn cid hub ku dhex wadan karta Gudaha magaalada Muqdisho.
Ciidamad ayaa horay wax ay qeybo ka mid ah degmooyinka Dharkenley iyo Shangaani ka soo qabteen hub iyo waliba tuutaha Ciidanka.