Ayadoo Dowladda Soomaaliya ay dooneyso in ay dhisto Ciidan Awood leh oo heysta Saanad Militari oo Dhameystiran ayaa markan waxa ay heshay Gawaari casri ah oo ka qayb qaadan karta Sifeynta lagu wado ururka Al-shabaab.
Ciidamada Xoogga Dalkka Soomaaliya ayaa dhawaan qaadi rabo weeraro looga saarayo Dalka Soomaaliya ururka al-shabab ayaa waxaa war bixin dheer ka qortay Gawaarida ay heshay Dowladda Soomaaliya Shabakadda DefenceWeb ee ka faalloota Arrimaha Difaaca taasoo daabacday in Ciiddanka Qaranka Somalia dhawaan la soo gaarsiiyey Gaadiid Milliteri oo loogu talagalay inay kula dagaalamaan Alshabaab.
Shabakadda ayaa qortay inay Gaadiidkaasi oo lagu soo farsameeyey dalka Shiinaha ku jiraan 13 Gawaaridda Gaashaaman ee TIGERS, kuwaasi oo horey loo isticmaalay, isla markaana lagu soo rinjiyeeyey Astaanta Ciiddanka Xoreynta Dadka Shiinaha.
Gawaarida Gaashaman ee TIGERS oo midkiiba uu culayskiisu dhana yahay 6.5 Tan waxa uu qaadi karaa 10-qof oo uu ku jiro Dareewalka.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Gawaarida Nuucan ah uu Shiinahu Dowlad kale ku wareejiyo waxaana horay looga iibiyay Dowlada Bolivia oo bixisay Qiimo dhan 8 Milyan oo Dollar si ay u hesho Gawaaridan aadka ugu fiican Militariga.

Ciiddanka Qaranka ee SNA waxay bishan September 3-dii shaaciyeen Sawiro muujinaya ugu yaraan 12 Gawaarida Gaashaaman ee TIGERS. 13 gaadiidka dusha ka furan ee FORD, 5 gaadiidka xamuulka iyo gaadiid kale.
Inta badan Dowladda Soomaaliya ayaa ku dooda in aysan heysan Hub sidaas u hormarsan ayna u diiday xayiraada hubka ee lasaray awgeed balse ay muhiim u tahay in ay Ciidamada Xoogga Dalka ay helaan Saanad Militari oo dhameystiran si ay wadanka uga Xoreeyaan Al-shabaab.
Dhinaca kale, Machadka Calaamiga ee Cilmi-baarista xogta Hubka la dhoofiyo oo ku yaalla Caasimadda dalka Sweden ee Stocholm waxay sheegtay Tan iyo sannadkii 2014-kii in Dowladda Somalia loogu deeqay 22 Gawaarida Gaashaman ee noocyadooda kala yihiin ACMA, REVA iyo RG31 Nyalas.