Ciidamada Puntland Oo Weeraro Culus ku qaaday Fariisinkii Al-Shabaab Ee Buuraha Galgala

Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan Buuraha Galgala ee Gobolka Bari Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Maamul goboleedka Puntland ay weerar ku qaadeen fariisimo Ciidamo ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab ay halkaasi ku la haayeen.

Ciidamada ayaa howlgallada ugu weyn waxa ay ka sameeyeen Deegaanada  Madarshoon iyo Diindigle,oo ka tirsan Buuraleyda Galgala ee gobolka Bari halkaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in hawlgalkooda ay ku dileen ilaa 12 dagaalyahan oo ka tirsan  Alshabaab ayna kula wareegeen dhawr boqol oo ah noocyada kala duwan ee raashinka iyo Agabyo kale sida ay hadalka u dhigeen.

Majiro warar kale oo dhankooda ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan sheegashada Saraakiisha Puntland in ay bur buriyeen fariismihii Al-Shabaab ee Buuraha Galgala.