Ciidamada Maamulka Puntland ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo ka sameeyeen deegaanada ay ka maamulaan qeybo ka mid ah Gobolka Saanag, kaas oo ay ku qabteen dad farabadan.
Saraakiil ka tirsan ciidamada puntland ayaa waxa ay Warbahinta u sheegeen in howlgalkaas dadka lagu qabtay ay ka mid yihiin 10 ruux oo ay sheegeen in ay u socdeen Buuraha Galgala oo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish.
Sidoo kale waxa ay sheegeen in dadkaan ay ku jiraan labo dumar ah,islamarkaana ay rajeynayaan in ay dhawaan Maxkamad soo taagan lana xisabtamaan.
Majiro wax war ah oo ay dhankooda ka soo saareen Al-Shabaab Warka ka soo baxay sarakiisha Ciidamada puntland ee ku aadan in ay qabteen 10 Ruux oo u socday Buuraha galgala oo ay joogaan Al-Shaabab iyo Daacish.