Ciidamada Kala duwan ee Maamulka Puntland ayaa heegan buuxa la galiyay kadib markii laga war helay in Dhulka Buuraleyda ee Galgala ay kooxaha Daacish iyo Al-shabaab ka wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan.
Dhanka kalena, Ciidanka Maamulka Puntland ayaa waxa ay howlgalo xooggan ka wadaan bartamaha magaalooyinka waaweyn ee Puntland iyo kantaroolada, kadib markii ay soo bateen gaadiidka xamuulka ah ee soo galaya deegaanada Puntland iyagoo ka shaki qaba in qaraxyo la soo saaro.
Wararkii ugu dambeeyey ee aanu helayno ayaa sheegaya in ciidanka ee ku sugan buuraha Galgala ay heleen xogo ku saabsan halka ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Daacish iyo Al-Shabaab.
Tan iyo markii deegaanka Af-Urur ee Gobolka Bari ay weerar khasaaro dhaliyay ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa ciidamada maamulka puntland ay wadeen howlgallo iyo waliba feejignaan dheeri ah iyagoo ka cabsiqaba in weeraro kale lagu soo qaado.