Taliska Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inuu shalay duqeyn ka fuliyay meel ku dhow degmada Jamaame ee gobolka Jubadda Dhexe ee Soomaaliya.
Qoraal ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in Maraykanka oo kaashanaya dowladda Soomaaliya ay dadaallada lagu wiiqayo maleeshiyada al-Shabab.
Qoraalka ayaa lagu yiri, laba sanadood ka hor al-Shabab ay heysatay xornimo dhinaca dhaqdhaqaaqa ah, taasoo ka caawineysay inay barakiciyaan oo ay argagixiyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dooxada wabiga Jubba, iyo meelaha ku dhow dhow Kismayo, laakiin maanta meelahaasi oo dhan waxaa laga sameeyay fariisimo ciidan oo u diiday al-Shabab inay si xor ah weeraro u abaabulaan.
Ku xigeenka madaxa howlgalada AFRICOM William West ayaa sheegay in howlgalada iyo duqeyta Mareykanka ee lagu xaqiijinayo badqabka fariisimaha ciidamda dowladda Soomaaliya, ay horseedeen in meelaha laga qabto al-shabab ay ciidamadu ku sii sugnaadaan, isla markaana ay u suuragelisay ciidamada Soomaaliya inay weeraro xoreyn ah ay ku qaadaan dhul ay al-shabab horey u heysatay.
Mareykanka ayaa sheegay in duqeynta ay Jubbada dhexe ka fuliyeen shalay ay ku dileen laba ka mid ah Maleeshiyada ah ee al-Shabab, dad rayid ahna aysan waxba ka soo gaarin.
Qoraalka AFRICOM ayaa layaa lagu sheegay in ciidanka Maraykanku uu sii wadayo inuu Somaalida iyo Ciidamada AMISOM kala shaqeyo, sidii masuuliyadda amni ee mudada fog loogu wareejin dowladda Federalka ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah