Ciidamada Koonfur Galbeed Oo gurmadkii ugu badnaa u diray Mukhtar Roobow

Maamulla Koonfur Galbeed ayaa Shalay ciidamo u diray gobolka Bakool si ay gacan u siiyaan Mukhtar Roobow Abu-Mansoor oo ku sugan gobolkaasi.

Ciidamo aad u hubaysan oo ka tirsan koonfur galbeed ayaa Xalay soo buux dhaafiyay deegaan lagu magacaabo Baano oo qiyaastii 18 km u jirta deegaanka Adal oo fariisin u ah  ku xigeenkii hore Al-Shabaab,

Dhanka Kale maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa dhankooda dadaal xoogan ugu jira sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen Muqtaar Roobow oo mudo 4 Sano ka badan baxsad ka ahaa kooxdaasi,

Arrintan ayaa timid kadib markii maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ay ku dhawaadeen deeggaanada uu Roobow ku sugan yahay.

Abu Mansuur ayaa dhowaan laga saaray liiska shaqsiyaad si weyn ay u doonaysay dawladda Maraykanka, ayada oo lacag madaxiisa la dul dhigay dib looga laabtay

©Goobsan Media