Ciidamada Jubaland oo dib uga baxay Deegaano ay ka qabsadeen Al Shabaab

Ciidamada Maamulka Jubaland ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo kadib markii ay isaga soo baxeen Degaanka Koronusle ee Gobolka Jubada Hoose.

Degaankan oo qiyaas ahaan 20Km u jira Magaalada Kismaayo ayaa Ciidamada Maamulka Jubaland waxey Shalay kula waregeen Dagaal, inkastoo Saaka ay dib uga soo laabteen halkaasi.

Dib u gurashada ay sameeyeen Ciidamadan ayaa lagu micneeyay in Weeraro xoogan ay kala kulmeen Xoogaga Xarakada Al Shabaab.

Saraakiisha Maamulka Jubaland ayaa shaaca ka qaaday in 4 Sarkaal oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab in ay ku Dileen Weeraradii ka dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo.

Ugu dambeyn, Xarakada Al Shabaab ayaa dhankood waxey sheegeen in khasaaro xoogan ay gaarsiiyeen Ciidamada Maamulka Jubaland.