Wasiirka Arrimaha Dibadda dowlada Jabuti Maxamud Cali Yusuf ayaa sheegay in ciidamada dalka Jabuti la geliyay heegan ayna u gudbisay cabasho ka dhan ah dalka Eritrea Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.
Dowlada Jabuuti ayaa ku eedeysay wadanka Eritrea inay ciidamadeeda geysay goobihii ay ka baxeen ciidamada nabad ilaalinta ee wadanka Qadar oo dhowaan isaga baxay xadka kala qeybiya labada dal.
Dowlada Qadar ayaa ku dhowaaqday dhowaan in ay cutub ka tirsan ciidamadeeda oo ka mid ahaa ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ay ka kala baxeen kadib markii labada dal Jabuti iyo Eritrea ay la safteen dalka Sacudi Carabiya oo khilaaf kala dhexeeyo wadanka Qadar.
Hase yeeshee dowlada Qadar ayaan ka hadlin sababaha ay ugala baxday ciidamadeeda xadka kala qeybiya wadamada Jabuti iyo Eritrea, dalka Eritrea ayaa ka mid noqday wadamada xiriirka u jaray wadanka Qadar halka dowlada Jabuti ay hoos u dhigtey xiriirkeeda diblumaasi ee wadanka Qadar.
“Ciidamada Nabad ilaalinta Qadar waxa ay baxeen 12kii June, iyadoo 13ka June ay ciidamada Etirtea waxa ay bilaabeen dhaqdhaqaaq ciidan buuraha,”ayuu yiri Ali Youssouf oo la hadlayay wakaalada wararka ee Reuters.
Wasiirka Arrimaha Dibada Jabuti ayaa intaas sii raaciyay in ay ciidamada Eritrea ay hadda si buuxda u maamulayaan buuraha Dumeira iyo jasiirada Dumeira ayna tahay mid xadgudub ku ah qaraar uu ka soo saaray golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Wadamada jaarka ah ee Jabuti iyo Eritrea ayaa sanadkii 2008dii waxa dhex maray khilaaf dhinaca xadka ah iyadoo halkaa iskahorimaad ka dhacay ayku dhinteen qaar kamid ah ciidamada dalka Jabuti.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka codsaday dowladaha Jabuti iyo Eritrea inay ciidamadooda dib uga gurtaan deegaanka ay ku muransan yihiin iyadoo dowlada Qadar ay aqbashay in ciidamo nabad ilaalin ah geyso xadka kala qeybiya labada dal ee Eritrea iyo Jabuti.