Wararka ka imaanaya magaalada Buula burde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada ammaanku ay dad u qabteen qarax miino oo maanta ka dhacay Duleedka Bari ee Magaaladaasi,gaar ahaan wadada isku xirta Garoonka diyaarada iyo Buula Burde,sida uu soo sheegayaan Saraakiisha Amniga.
Qaraxani oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ee loo yaqaano Remote Control ayaa waxaa ku geeriyooday 1 Askari oo ka Tirsanaa Ciidamada AMISOM halka 2 kalena ay ku dhaawacmeen.
qaraxa kadib ayaa waxaa bilowday howlgalo ay sameeyeen ciidamada oo lagu baadi goobayay ragii falkaasi ka dambeyeey,waxana wararku ay sheegayaan in ilaa haatan ay ciidamadu qabteen ku Dhawaad 5-Ruux oo qaraxaasi lala xiriirinayo.











