Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa jabuuti ayaa qarax miino waxaa lagula eegtay degmada Buulburde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay banaanka hore ee Garoonka Diyaaradaha magaalada Buulaburde.
Sida uu xaqiijiyay Gudoomiyaha degmada Buulaburde Cabdi Daahir qaraxa ayaa la saaray geed dushiisa, geedka hoostiisa waxaa yaallay gaari ay wateen Ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.
Qaraxaan waxaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay hal askari halka mid kalana uu kasoo gaaray dhaawac aad u culus sida uu sheegay gudoomiyaha degmadaas.
Dhanka kale Isgaarsiinta magaalada Buulaburde ee Gobolka Hiiraan ayaa mudo saacado ah hawada ka maqneyd, inkastoo markii dambe ay dib u soo laabatay.
Ciidamadaan Qaraxa lala beegsaday ayaa waxa ay qeyb ka yihiin Ciidamo cusub, iyaga oo bedelay Ciidamo laba sano halkaasi ka howlgalayay.
Qarax kadib Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ayaa bilaabay Howlgallo amni xaqiijin ah.