Ciidamada Dowladda Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa inaysan maanta ka qayb galin dagaalkii cuslaa ee ka dhacay degaanka Goof Gaduud oo ku dhow magaalada Baydhabo.
Ciidankan Qaybta ka ah ciidamada nabad ilaalinta ee Amisom ayaa ku sugnaa meel aan sidaa uga fogeyn aagaga uu dagaalku ka socday kuwaas oo markii uu dagaalka bilaawdayna halkii gurmad ay ka samayn ayay baneeyeen goobo ay horay u joogeen.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa dagaalkan kor ka daawanayay ayagoo ugu dambeyn la sheegay inay faarujiyeen aagag muhiim u ahaa ciidanka dowladda.
Shabaabka ayaa halkaas ka helay fursad una sahashay markii dambe inay si sahlan ku laayaan ciidanka Dowladda ee dagaalka ku jiray ayna in muddo kooban ah ay gacanta ku hayaan degaanka Goof Gaduud.
Itoobiya ayaa la ogeyn waxay ka damacsan tahay hagar daamadan, iyadoo la ogyahay in Al-shabaab markii ay arkaan Itoobiyaan ay aagagga faarujiyaan.