Xiisad kacsanaan ah ayaa laga dareemayaa degmada ufurow ee Gobalka Bay, kadib dhacdadii Shalay ay Ciidamada Dowlada Ethiopia Gaari Taangi ah u jiirsiiyeen Dad rayid ah oo ku sugnaa degmadaasi
Falkan ayeey ciidamada Ethiopia ka geysteen wadada isku xirta degmooyinka Diinsoor iyo Qansaxdheere oo ka wada tirsan gobalka Baay.
Dhanka kale waxaa maanta gaaray Gudoomiyaha Degmada Qansax dheere adan cabdi qooqane iyo Wafdi uu hogaaminaayo, Gudoomiyaha oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay ujeedka ay halkaasi u gaareen iney tahay Xiisad kacsanan ah oo u dhaxeysa dadka deegaanka iyo Ciidamada Dowlada Ethiopia oo maalin-nimadii shalay gaari Taangi ah jiirsiiyay afar ruux, Oo uu midkood dhaawacyadii soo gaaray u geeriyooday.
Inta la xaqiijiyay Falkan ay geysteen ciidamada Itoobiya waxaa ku dhintay Hal ruux Saddex kalane dhaawacyo culus ayaa soo gaartay kadib markii askarta Itoobiya gaari Taangi ah ay u jiirsiiyeen dadkaasi. balse Caro ka dhalatay arinkaasi ayaa maanta ka taagan degmada Ufurow ee Gobalka Bay