Ciidamada Dowladda Oo Qarax Ku Qabtay Magaalada Muqdisho

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay qeybo kamid ah degmada Waaberi ay ku qabteen qarax kaas oo ay ku guuleesteen in ay fashiliyaan.

Ciidamada ayaa Xaafada 21-ka October,ee degmada Waaberi waxa ay ku arkeen Boorso laga buuxiyay waxyaabaha qarxa waxana intaas kadib ay xireen Wadooyinka soo gala goobta uu qaraxa yaalay kaas oo ay Ciidamadu ugu dambeen qarxiyeen isagoo aan geysan wax khasaaro.

Qof kamid ah dadka ku nool Xaafada 21-ka October,ee degmada Waaberi ayaa sheegay in qaraxaas ay saakay ku arkeen goobta la dhigay intaas kadibna ay Ciidamada dowladda lagu wargeliyay islamarkaana ay qarxiyeen.