Ciidamada Dowladda oo baaritaan ay sameeyeen kusoo qabtay Hub

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay ay howlgallo waxa ay ka sameeyeen degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose,waxaana saraakiisha hoggaamineysay ay sheegeen inay kusoo qabteen hub kala duwan.

Warbaahinta Dowladda ayaa baahisay in Habeenimadii 09-kii bishaan Maarso ay  Ciidamadu weerar Ku qaadeen Xaafadda Hantiwadaag ee degmada Qoryooley,isla markaana ay ciidamadu gacanta ku dhigeen hub kala duwan oo Guri halkaasi ku yaalla ay ku heysteen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Marka laga reebo in howlgalkaas lagu soo qabtay hub farabadan weli lama shaacin in howlgalkaas dad lagu qabtay,hayeeshee ciidamadu  ay guri guri u baarayeen xaafadaha Handiwadaag ee degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha hoose.