Ciidamada Dowladda oo Al-shabaab kala wareegay degaan hoostaga magaalada Jamaame

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in saakay ay u ruqaansadeen deegaankaas basle iyada oo aan wax dagaal ah ka dhicin ay isaga baxeen Al-shabaab.

Ciidamada Huwanta ah ayaa waxa ay fariisin ka dhigteyn Buundada Araare,waxana sidoo kale lagu soo waramayaa in Al-Shabaab ay iyana ku sugan yihiin meel aan Araare ka fogeyn.

Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaya in ay ka casbi qabaan in dushooda ay ku dagaalamaan Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Todobaadyadii la soo dhaafay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland waxa ay howlgalo millateri ka wadeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada hoose,waxana maamulka Jubbaland Saraakiishooda ay sheegeen in ay deegaano cusub la wareegeen.