Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay ururka Al-shabaab kula dagaalameen degaano hoosyimaada degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa waxa ay sheegeen in ay la wareegeen degaano hoostaga degmada Buur-hakaba, halkaasi oo shalay gelinkii dambe ay ka dhaceen Dagaalo aad u qaraar oo dhinacyadan dhexmaray.
Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa waxa ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen Saanad Ciidan oo ay lahaayeen Shabaab, iyaga oo sidoo kale sheegay in ay burburiyeen saldhigyo Shabaab.
Guddoomiyaha degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay Maxamed Ibraahim Nuur ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed in ay ku soo guuleysteen Dagaalka ay galeen.